CIIDANKA GUMEYSIGA XABASHIDA: oo ku guul dareystay inay C/laahi Yusuf ka dhoofiyaan Garoonka.

MUGDISHO SOOMAALIYA:

Ciidanka cadowga xabashida ayaa ku guul dareystay inay ka dhoofiyaan gaoonka duulimaadka (ACI) Madaxa Dowlad-ku-sheega kooxda dagaal-oogayaasha imbeghati odey C/laahi Yusuf Axmed, Ciidanka cadowga oo si gaar ah u ilaashada odeygaan ayaa dadaal ugu jiray maalmihii tagey sidii ay garoonka caalamiga ah uga doofin lahaayeen C/laahi Yusuf.

Garoonka ayaa noqday mid xiran ama xaalkiisu qatar yahay ka dib markii dagaalyahanka Al-shabaab ay digniin ku bixiyeen inuu xiran yahay islamarkaana uu bartilmaameed dagaal u yahay dagaalyahankooda madaama bay yiraahdeen ay ku adeegtaan cadowga/gumeysiga dalka ku soo duulay, Ilaa iyo iminka inta la ogyahay waxaa ka soo dagey oo markiiba ka duulay laba diyaaradood oo mid ay tahay mid Ciidanka Ugandha leeyihiin oo sahay ciidan u wadey Ciidankooda, mida kale oo ay lahayd shirkad Soomaaliyeed oo lagu sheegay magaceeda Gallad lagana leeyahay Gobolka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Diyaarada dambe oo loo maleynayo inay ku socotay sidii ay u qaadi laheyd Dagaal-ooge C/laahi Yusuf si uu uga qayb galo shir shaley ka dhacaayey xarunta QM ee NY dalka Mareykanka ayaa sida la sheegay  isla markiiba ka carartey garoonka ka dib markii madaafiic lagu weerarey garoonka.

Wararka ayaa sheegaya inay saraakiisha Xabashida iyo Ugaandhiiska ay kula taliyeen dagaal-ooge C/laahi Yusuf inuu iska baaqdo, markii ay ogaadeen in xaalada nabadgelyadiisu halis gali karto oo laga yaabo inay weerar ba’an ku qaadaan Al-shabaab, waxaa kaloo jira inay xiran tahay Waddada Maka-Almukarama oo ah meesha kaliya ee loo sii mari karo inta u dhaxeysa Madaxtooyadii hore iyo Garoonka Muqdisho.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s