CIIDANKA UGANDHA: Oo cadowtinimo cusub la soo baxay !

MUQDISHO SOOMAALIYA:

Ciidanka shisheeye ee Dalka Ugandha (oo ay kiraysatey QM) ayaa dalka Soomaaliya u yimid si ay u ilaaliyaan Kooxda Dagaal-oogayaasha Dowlad ku sheega Imbeghati, waxay intooda badan degan yihiin Garoonka diyaaradaha, Dekeda iyo Isgoyska lambar4 (afar) maalmahaan waxaa jiray in garoonkii diyaaradaha la xiray ka dib markii ay digniin ku bixiyeen dagaalyahanka difaaca Dalka inaan la isticmaali karin garoonka.

Ciidanka ayaa bilaabey tabtii lagu yaqiin ciidanka cadowga Xabashida ka dib markii dagaal lagu ekeeyay goobahii ay degenaayeen, laba maalin ka hor ayaa diyaarad isku daydey inay ka soo dagto garoonka, waxaana weerar hoobiye ah ku tuuray Xoogaga difaaca dalka,  Ciidanka Ugandha oo lagu sheego inuu yahay ciidan nabada-ilaaliya ayaa waxay la soo baxeen ficil cadownimo ah, ka dib markii ay weerarkii lagu qaadey garoonka uga jawaabey Madaafiic culculus oo ay la beegsadeen goobaha danweynaha shacabka ah ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan Suuqa Bakaaraha, Howlwadaag, Waaberi iyo Hodan halkaa oo dagaal xalay saqdii dhexe dhacey ay ku soo jawaabeen/tijaabiyeen Madaafiic xaafadaha dadweynaha.

Hadaba haddii ay ciidanka Ugandha la soo baxeen ficiladaan cadowtinimo, Maxaa la gudboon Ummadda Soomaaliyeed ee lagu soo duulay Dalkooda hooyo ? Jawaabtu waxay tahay in marka hore loogu baaqo ciidanka Ugansha inay nooga baxaan Dalkeena , haddii ay diidaan waxaa markaa waxaa iska cad in dagaal looga hortagi doono dagaal isdifaac ah. Kaasoo aakhirka ay ku guuldareysan doonaan.

DAGAAL XALEY DHACEY:

Dagaalkii xalay dhacey sida ay sheegtay BBC laanta-afka Soomaaliga, waxaa inta la sheegayo ku dhintay 7 qof oo caruur iyo haween u badan, waxaana inta badan qasaaraha gaystey madaafiic waaweyn oo  ay ku rideen goobaha degaanka u ah shacabka ciidanka Ugandha ee Lambar afar iyo garoonka diyaaradaha. Waxaa kaloo jira in dadka ku dhaawacmay loo diiday in la geeyo Cisbitaalada ka dib markii ay jidgooyo ay dhigteen ciidanka Ugandha iyo kuwa Kooxda Dagaak-oogayaasha gumeysiga kalkaala. 

Ciidanka Difaaca Dalka ee caawa dagaalka ku qaadey ciidanka Ugandha ayaa lagu sheegay inay ka yimaadeed Macaskaska Kaambooni ee Gobolka J.hoose , Midka mid ah saraakiisha hogaaminaysay ciidankaa oo la hadley saxaafada ayaa faafaahiyay siduu u dhacey dagaalka Halkan ka dhageyso

One thought on “CIIDANKA UGANDHA: Oo cadowtinimo cusub la soo baxay !

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s