DAGAAL: Lagu qaadey Ciidanka Ugandha/Afrikaanka.

MUQDISHO SOOMAALIYA.

Dagaalkan oo dhacey  xalay sida ay  BBCda laanta-afka Soomaaliga sheegtay, waxaa inta la ogyahay ku dhintay 18 qof oo caruur iyo haween u badan, halka uu jiro dhaawac farabadan, inta badan qasaaraha waxaa gaystey madaafiic waaweyn oo ay  rideen ciidanka Ugandhiiska u badan ee Africaanka ee jooga Garoonka iyo Isgoyska LanbarAfar. madaafiicda ayaa haleelay   goobo degaanka u ah shacabka.

Waxaa dagaalkan isaga hor yimid Ciidanka Ugandha/Xabashida iyo Jabhada Impeghati oo dhinac ah iyo Xoogaga Difaaca Dalka wuxuuna ahaa mid qaraar, dagaalka oo markii dambe iskii u qaboobay. ayaan la sheegi karin qasaaraha soo gaarey labada dhinac, laakiin wuxuu noqonayaa kii ugu qaraaraa ee ciidanka Ugandha lagu qaado

Sida warka qaar uu sheegayo.  dadka uu dhaawacu soo gaarey ayaa qaarkood loo diiday in la geeyo Cisbitaalada ka dib markii ay jid gooyo u dhigteen ciidanka Ugandha/xabashida iyo kuwa Kooxda Dagaal-oogayaasha gumeysiga u shaqeeya. 

Sh/ Xasan Turki oo ka qayb galay Dagaalkii xalay.Ciidanka Difaaca Dalka ee caawa dagaalka ku qaadey ciidanka Ugandha ayaa lagu sheegay inay yihiin  Ciidanka Macaskarka-Kaambooni, Macaskarkan oo ku yaal Gobolada Jubooyinka. Dagaalyahankan la baxey Kaambooni ayaa waxaa  hogaamiye u ah Sh. Xasan Turki.

Sarkaal ka mid ah ciidanka Kaambooni ee dagaalka qaadey oo lagu magacaabo Dulyadeyn ayaa la hadley saxaafada, kuna faafaahiyay  sida ay wax  u dhaceen :

 Wareysiga HornAfrik ayaa qaadey.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s