EYL: Markab afduub ah, Burcadii, Mareykanka iyo Dowlad GPland.

deyanat photo from Rasian maritime news.

Markab laga leeyahay wadanka Iiraan oo lagu magabaabo MV Deyanat ayaa bishii hore Agoosto 21 lagu afduubay Gacanka Cadmeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Dalka Yemen, waxaa af-duubkaan ka dambeeyay koox burcad badeed Soomaali ah oo markiiba keenay Tuuladda Eyl Gobolka Bari Soomaaliya.

Sida caadi ah markii markab la af-duubo waxaa dadka la socda loo dhaadhiciyaa berigga si ay/lagu qabso inay xiriir la sameeyaan shirkadii ama Milkiilaha Markabka, intii lagu jiray gorgortanka ayaa waxaa markabka Badda gudaheeda ilaalo ka ahaa Burcad tiradooda lagu sheegay  100 oo wata doonyaha dheereeya, 50 ka mid ah ay gudaha ka ilaalinayeen 50 kale ay banaanka/guudka ka joogeen

Arinta layaabka noqotey ayaa ah in qaar ka mid ah Burcadii Markabka gudahiisa joogay ay sababo aan la ogeyn u jiradeen oo lagu arkey nabaro-Maqaarka, cuncun iyo timaha oo qafiif-doqday !  markii ay taa dhacdey ayaa wuxuu warku gaarey Magaalamadaxda Gobolka ee Garoowe, isla warkaa ayaa iyadana la gaarsiiyay Mareykanka iyo Dowladaha Iraan ay colka yihiin. Arintaa burcada xanuunsatey ayaa shaki ku dhalisay dhamaan burcada, Mareykanka iyo Dowlad Goboleedka Puntland.

Gobolka Puntland waxaa xafiisyo ku leh Sirdoonka Mareykanka, Kuwa Xabashida iyo qaarkaleba, hadaba sirdoonka shisheeye iyo Maamulka Gobolka oo is-kaashanaayo ayaa waxaa Eyl loo diray  Ninka ugu qaybsan Macdanta iyo Shidaalka Puntland oo lagu sheegay magaciisa Mr Xasan Aloore, Aloore ayaa  la kulmay Burcad-badeedka isagoo u sheegay kaliya inuu rabo inuu baaritaan ku sameeyo rarka saaran Markabka , Laakiin arintaa way ka  diideen burcadii soo afduubtay Markabka, ilaa iyo hadda waxaa jira waan-waan u socota Mareykanka, Iraan  Maamulka DGP oo dhinac ah iyo burcada oo dhinac ah.

Warbixinta lagu soo diyaariyay ayaa sheegaysa in Markabkani ay leedahay Dowlada Iraan, markii lala xiriiray way ogolaatey inay bixiso madax-furashadii ay dalbadeen bursada, laakiin markii dambe way ka baxeen heshiiskaas ” Sababtu waxay ka dhigeen in uu sirdoonka Mareykanku joogo Gobolka, sidaa darteen aaney isku aamini karin Gobolkaas”.

Markabkani sida u diiwaan gashan waxaa ku raran Dhagax-bireed (Iron-ore) iyo badeecooyin kale oo kuligood lagu sheegay in ay si jeedaan Dalka Jarmalka, Iiraan oo ku shaqeysa hab-ka duwan midka caalamka laga isticmaalo (maadaama ay dowladaha reer Galbeedku canaadaan) ayaan la ogaan karin shixnada dhabta ah ee uu markabkani sido! shaqaalaha markabka ayaa yiri ” Ma garaneyno sida loo furo” mar ay waydiiyeen isla burcada haysata. Mareykanka iyo Saaxiibadiisa Maamulka Gobolka waqooyi bari Soomaaliya ayaa shaki ka qaba shixnada saaran markabkan.  Waxayna faafiyeen ilo-wareedyo sir ah oo Mareykan iyo xulufadiisa isugu jira inuu markabkani ku socdo Dalka Eriteria oo uu sido Hub iyo Kiimiko loo wado Maxkamadaha Islaamiga ee Dalka Soomaaliya.

Haddii ay dhab tahay inuu Markabkani ku socdo Eriteria oo uu sido hubka la sheegaayo  ayaa waxay keeni kartaa in lala wareego Markabkoo dhan ama waxyeelo loo gaysto, waxayna sii korshin doontaa eedaynta Mareykanka iyo xulufadiisu ay Dalka Iiraan awalba ku haysteen ee an in Dowlada Iiraan ay taageerto argagixisada caalamiga ah. Warbixintaa oo dhameystiran halkan ka akhriso !

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s