DHAQAALAHA MAREYKANKA: oo hoos u dhacey !

Bush Madaxweynaha Mareykanka oo aan abidkii laga maqal in dhaqaalaha wadanku  hoos u socdo  aaya markii ugu horeysay af labadii yeeray. Wuxuu yiri Dhaqaalaha Dalkeena meel xun ayuu  marayaa, haddii aan wax ka qaban wayno waxaa dhici karta inay shaqo la’aan ku dhacdo malaayiin Dadka Mareykanka ah .

Barnaamijkan muuqaalka ah (Chanal4) oo ka hadlaya meesha ay wax marayaan iyo sida  Dowlada Mareykanka ee uu Bush hormuudka u yahay ugu dadaalayso in la badbaadiyo shirkado si gaar ah loo leeyahay oo si lama filaan ah u qawaafey,

Shirkadahan ayaa ahaa qaar muhiim ah oo halbowle u ahaa habka-dhaqaale ee ku dhisan Hanti-goosiga isla markaana xaga maalgalinta iyo aas-aaska dhaqaale kaalin wayn uga jiray, wadahadalo ayaa u socda XukuumadaBushiyo Golaha Aqalka sharci-dajinta ee mareykanka.                                                                  

                          

waxaa la isku haystaa sidaloo bixinayo lacag dhan 700 bilyan  oo lagu wado in lagu badbaadiyo sharkadahaas kacey. Xukuumada Bush ayaa soo bandhigtay qorshe lagu badbaadinayo shirkadahan oo ay Dowladu kula wareegayso qaar ka mid ah Maalka Shirkadahan/Iskaashatooyinkani dhawaan qafaafey.

FAALLO

Shirkadahan kacey waxay kala yihiin:

 1)- Laba Shirkadood oo guryaha iibin jiray oo lagu magacaabo Fannie May iyo Faredie Mac labadaan shirkadood ayaa lahaa guryaha wali daynta loo qaatey 70% inka badan.

2)- Iskaashato wayn oo la yiraahdo AIG oo ah mid caymis waxay ka hanti badan ku lahayd  dalka gudahiisa iyo dibadaba. Is-kaashatadan ayaa muranka badan dhalisay kadib markii Dowlada Mareykanka Waaxda Sanduuqa Maalka mas’uulkeedu u ogolaaday Is-kaashatadaan lacag dhan $85 bilyaan doolar oo dayn ah ama carbuun ahaan looga dhisgaayo Iskaashatadaan qafaaftay.

Dowlada Mareykanka waxay kalhore la wareegtay Labo Shirkadood oo waaweyn. ka dib markii ay shirkadahani kaceen ayna ka lumtay lacago farabadan oo inta badan ay daymisay dad aan u qalmin/la aamini karin. Dadkaan badankoodu ma haysan dhaqaale u saamixi kara inay sii wadaan bixinta lacagta ribbada/dul saarka oo marba marka ka sii dambeysa sare u kacayda.

Shirkadaha gaarka loo leeyahay kaligood ma ahan inuu dhaqaalahoodu hoos u dhacey, laakiin Sidoo kale waxaa jirta in Dowlada Mareykanka lafteedu lagu leeyahay balaayiin doolar oo ay ka soo amaahsatey wadano ay ka mid yihiin dalka Shiinaha si loogu sii wado labada dagaal ee ay kula jiraan Muslimiinta ama Islaamiyiinta Dalalka Afgaanistaan, Ciraaq iyo meelo kaloo ay ku jirto Dalka Soomaaliya, sababtuna keentay Inuu Dalka Mareykanku dayntaa qaado waxaa waaye dagaalkii oo ku sii daba-dheeraaday.

Ilaa iyo hadda Quburada dhaqaalaha way ku jahwareersan yihiin sababaha dhabta ah ee uu dhaqaaluhu hoos ugu dhacay si lama filaan ah ! Suaalo badan ayaa arintaa la iska waydiinayaa caalamka oo dhan.  Ma dagaalka daba dheeraadey ayaa keenay inuu dumo dhaqaalaha ? Ma tartanka dhaqaale ee China baa u sabab ah ? Ma Anshixii dhaqaale ee Shirkadaha/Iskaashatooyinka ayaa xumaaday ?.

Hoos u dhaca dhaqaale saameyn intee la’eg ayuu Aduunka intiisa kale ku yaalan karaa ? waxaa la filayaa in sidoo kale dhaqaalaha Mareykanka ee hoos u dhacu ku yimid taaban doonto Aduunka intiisa kale. Sidoo kale waxaa laga yaabaa inuu Mareykanku joojin doono Isku qaad-qaadka dagaal ee intii uu Bush Dalka xukumay caadada u aheyd

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s