SH.XASAN TURKI: SH. Shariif qadka ayuu ka baxey!

Sh. Xasan Turki oo dhawaan aad uga soo baxey siyaasada Soomaaliya ka dib markii ay la wareegeen Magaalada Kismaayo kooxdiisa la magac baxdey ‘Dugsiga Tabo-barka Raas-Kaambooni’  Sheekha oo ah miday aad u raadinayaan sirdoonka Mareykanka iyo Dowlado kaleba wuxuu wareysi qarsoodi ah siiyay asxaabtiisa oo uu kula kulmay Qadka Telefoonka-lagu shiro.

Wuxuu ka hadley hadafkiisa Siyaasadeed iyo siduu u arko qilaafka maalmahaan soo kala dhexgalay Dagaal-yahanka dagaalka kula jira ciidanka gumeysiga Itoobiya iyo kooxda Imbeghati ee maqaar-saarka u ah gumeystaha cusub. arimaha uu hadley waxaa ku jiray siduu u arko Ururka Dib-u-xoreynta UDX ee u kala baxey labada garab ee Jabuuti iyo Asmara. Sheekha ayaa sheegay in isaga iyo Kooxdiisu aaney labada koox laakiin buu yiri Kooxda Asmara in ka dhow yihiin Kooxda Jabuuti, laakiin wuxuu yiri waxaa ku xiran rimoor waa siduu hadalka u yiri oo ilaa iska furaan, Toobadna keenaan wax shuqul kuma lihin.  

KKKK… Mar wax laga waydiiyay arinta ku saabsan in Xaaji Indhacade hubkiisa u calin doono, KKKK Hubkii Maxaakiimta goor horuu burburay marka waxba uma hayo NInkaa !

Wareysigan wuxuu muujinayaa qilaafka baaxada leh ee soo kala dhex galay Madaxdii iyo saraakiishii Ciidanka ee wada jiray Ururkii Maxaakiimta Islaamka. Inkastoo Ururka Al-shabaab uu iskiisa u madax banaanaa!. 

waxaad moodaa in laba dhinac wax loo kala wado dhinac ku saleysan JIhaad/dagaal oo arka geedi socodka siyaasadeed mid aan miro dhal aheyn amaba mabda’a ahaan aaneyba rumeysneyn waxa siyaasada loo yaqaan !.

 Dhinaca labaad waxay u muuqdaan in ay rabaan in la isku wado siyaasada iyo ciidankaba, dibadana gaalka iyo wixii uu wato la hadal, gudahana dagaalka wado………. fikirkaa oo waxoogaa mugdi ah soo galay ka dib markii ay kooxda Jabuuti heshiis la gaareen Dowlad ku sheega Imbeghati, heshiiskaa oo markii hore ay UNtu qabanqaabisay laakiin markii dambe wuxuu ku dhamaadey in xabad joojin la sameeyo, Ciidanka Xabashidu ay Imbeghati codsato inay dalka ka baxaan (Tan oo ah Wax aan dhici karinba), iyo arimo kale oo mugdi badan ku jiro.   

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s