XUMAHA IYO SAMAHA: markey xumaantu adkaato maxaa dhaca ?

WQ; Daacad “Wargeyska Xog-Ogaal”

KOLBA HEER

Waqtiga dheer ee Aduunyadani soo jirtay marba heer ayuu dadku soo marey..

Marbey aheyd aduunyadu mugdi lagu halaaboo Mahadhooyin badanoo dadku uu ka magansado !

Waqtigaan oo ahaa bilowgii nolosha,  Bani’aamku sidii Xoolaha oo kale ayuu u noolaa, Hoygiisu wuxuu ahaa godka dhulka laga qodey ama dhagar hoostiisa, hubkiisuna wuxuu ahaa dhagax af-leh, tuuryo ama gaadmo ayey  aheyd xirfadooda ugu wayn ay lahaayeen waqtigaa/xiligaas.

Waqtigaa oo ahaa mid adag wuxuu bani’aamku ka dhaxley inay sanadba sanadka ka dambeeya farsamadiisu/xirfadiisu sare u kacdo dhinac walba, Waxaa ugu horeeyay ama ugu muhiimsanaa inay iskaashi iyo si wada jir ah u wada qaraab tago, waxaa soo baxay in Bani’aadamku sameysto Maamul iyo kala dambeyn ay u qaybsadaan kheyraadka Dunida yaaley (Inkastoo ay jirtey ama wali ay jirto kala sareyn iyo ismaan-dhaaf baaxad leh hadana waxaa yimid fikir ah in la helo xikmado/xirsado waaweyn oo u fududeeyay sidii ay Dadku noloshooda u wanaajin lahaayeen sida Hab-farsamo oo kala duwan kaasoo sare loogu qaadayey nolosha qaas ahaan wax-soosaarka cunada oo lagu bedelay ugaarsigii duur-joogta tacabka miraha beeraha ama kaluumeysiga.

Dhanka kale arimaha ugu muhiimsan ee ay Bani’aadamku horumarka ka gaareen waxaa ka mid ah; isla noolaansho kaasoo inta badan la ogaadey in la helo Is-maamul iyo kala dambeyn oo lagu hirgaliyay markii hore qaab boqortooyo inkastoo ay u badnaayeen qaar dulmi badan laakiin waxay hirgaliyeen maqaam siyaasadeed oo saamixi kara in la helo wada-noolaansho caadi ah.

WAQTIGA CASRIGA AH.

Waqtiga Casriga ah ee aan maanta joogno ee uu Bani’aadamku si fiican u kala gartey xumaha iyo samaha ayaa si fiican u soo ifbaxey Diinta Islaamka markii Allaah (SWT) uu u soo dajiyay Bani’aadamka oo inta badan Mugdi ku jiray inkastoo Islaamka ka horaba ay jireen wanaag badan laakiin xunaanta iyo fasaadka ayaa ka awood badnaa qayrka/wanaaga. Ilbaxnimada Islaamka ayaa la timid arimo badan oo ka mid ahaayeen xuquuqda Insaanka, Dumarka iyo Xayawaankaba waxaana la helay cilmi badan ka dib markii ay Diinta Islaamku aduunka badankiisa ku faaftey taasoo u saamaxday in Dadku isdhaafsado Aqoon iyo xirfado kala duwan oo markii la isku geeyay dhalisay farsamada casriga ah ee maanta Bani’aadamku sida wayn ugu horumarey. Fiiro gaar ah waxaa jira dad wali aaney gaarey horumarkan uu Aduunku ku tilaabsadey iyo waliba dulmi badan oo wali lagu hayo dadka qaarkiis.

DADKA SOOMAALIYEED. Xumaha iyo Samaha.

Taariikhda Soomaaliyeed waxay sidoo kale soo martey marxalad la mid ah tan caalamku soo marey, Xoolo dhaqatonimo, Dowladnimo iwm. Ummadda Soomaaliyeed waa dad isku af, Diin , dhaqan iyo dhulba ah, 18kii sanno ee ugu dambeeyay waxa ku dhacey lama arag  lama maqal.

Dadka Soomaaliyeed oo nasiib u haley inay noqdaan dadyowgii ugu horeeyay  ee ay soo gaarto Diinta suubban ee Islaamka oo sida la ogyahay ah 100%kiiba Muslim ah, ayaa noqday in tusaale looga dhigo wax  kastoo xumaan ah maalmahaan, ka dib markii nasiib daro 18kii sannoo ugu dambayey ilaa iyo maantana ay ka jiraan dalkooda dhibooyin bani’aadanimo sida gaajada iyo colaadaha kuwa ugu xun/daran caalamka!. 

Su’aalaha ugu waaweyn ee markii aad tahay Soomaali lagu waydiinayo ayaa ah Dadyahow maxaa isku dilaysaan !?, Jawaabta su’aashaasi waa mid runtii adag, maadaama aaney jirin sabab ay isku dilaan ina heshiin waayaan Ummadda Soomaaliyeed.

Sababaha inta badan loo maleynayo ee ugu waaweyn waxaa lagu sheegaa JAHLI, DANO DHAQAALE, QABIILKA, iyo qaar kaloo fara badan. 

JAHLIGA, Danaha Dhaqaale, iyo Qabiilkaba waa wax la maareyn karo haddii ay jirto Ummad u diyaarsan/leh rabitaan inay ka gudubto dhibaatada haysata, waa haddii caqligu iyo cilmigaba lagu shaqeysto, Sida aanu ka war hayno dhibta iyo dagaalka sokeeye markii dhacey waxaa awoodii dalka ay gacanta u gashey dad jaahiliin ah oo intooda badan aan naxariis laheyn, waxay boobeen hantidii Ummadda, waxay laayeen dad aan waxba galabsan, waxay burburiyeen dhamaan goobihii Dadweynaha (Wasaaradihii, Warshadihii, Iskuuladii iyo Adeegii Bulshada dhamaan), Waxyeelooyinkan markay dhacayeen inta xumaha wadey waaba la gartaye dadka intii wanaagsaneyd halkee bay aadeen, Indhaha ayaa laga fiirsanaayay markii ay tuugo jaahiliin ah ay Shacabka Guryahooda kala baxeysay ! iyadoo qofii dariska la ahaa uu joogo laakiin uu naftaada badbaadi darteen indhaha ka fiirsanayo. “Maxaa iga galay.

Waa jirtaa in horaantii Dagaalka sokeeye dadka badankiisa lagu qaldey qadiyado Qabiil ku dhasan oo siyaasadeed laakiin waxaa la yaab leh in ilaa iyo hadda loo maaro la’yahay tuugadaas yar ee hooga iyo halaaga Ummadda Soomaaliyeed ku haya.

Dhibka Soomaaliya waxaa u sabab ah Dadka intii wanaagsaneyd oo noqday daawadayaal, Dad fitno wadayaal/dagaal-oogayaal ah ayaa qadiyadii/garoonkii loo baneeyay hadey tahay mid  Siyaasadeed, Dhaqaale, Saxaafad iyo aqoontiiba (Diinta iyo Maadigaba).. Haddii ay dadka fiicani daawadayaal noqdeen maxaa dhacey ? Halaag.. Qaxootinimo, iyo gumeysi in ilaa maanta ay ku jiraan Mujtamicii Soomaaliyeed.

Haddii ay Dadka wanaagsani Indhaha  ka sii fiirsadaan qadiyadda Soomaaliyeed ee aaney iyagu u istaagin ee aaney gaarin ilaa heer ay naftoodaba u hibeeyaan, Waxaa dhici doonta in Mujtamaca/Ummadda Soomaaliyeed lagu daro taariikhda oo la dhoho ” Halkan waxaa ku noolaan jiray Dad la oran jiray Soomaali”..

Tallo soo jeedin;

Qofkastoo Muslim/Soomaaliya ah inta wanaaga garaneysa haddii aad aragto dulmi iyo xumaan jooji kana hortag, xitaa haddii laga yaabo inaad ku ceebowdo, lagugu noco, naftaada ku waydo !, amaba uu yahay qofka wado qoyskaaga sida aabahaa oo kale .

Soomaaliyeey Toosoo,Toosoo isku tiirsada hadba kiina taag daran taageera waligiin. 

LIFAAQ. Qudbad Taariikhi ah. Prof.Cabdi Samatar fadlan daawo.

   

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s