AFARTA MEEL: ee laga haysto Mujtamaca Soomaaliyeed.

Mujtamaca Soomaaliyeed oo ah Dad 100% isku Af, Diin, Dhul iyo Dhaqanba, waxay ku jiraan 18 sanno oo jahwareer iyo dhibaatooyin aan halkan lagu soo koobi karin. Hadaba waxaa iswaydiin leh xagee ama yaa keenay tacadigaan iyo jahwareerkaan dhinacyada badan leh ee ku habsadey Mujtamaca Soomaaliyeed ?.

Aragtiyo fara badan ayaa jira oo tilmaamaya meesha dhibtu ka jirto, qaar ayaa leh waa Qabiilka (Jahliga loo noqday), qaar waxay tilmaamaan Fikir gumeysi ka tagey, dhaqaalo xumo ( Khayraadka dhulka oo yar) ayaa ka mid ah.

Laakiin aragti ka duwan taa ayaa jirta, inkastoo tani ay wali xiriir la leedahay kuwo kore hadana waa qodob aan si wayn loo dareensaneyn. Bulsho walbaa waxay leedahay dabaqad ama Dad iyagu leh haybad ama cilmi, isla markaana ah inta Tayadda leh ee ku jirta Ummadd walba.

Hadaba qaybaha ugu muhiimsan ee laga hago Ummad waliba waxay u kala baxaan 1)- Aqoonyahanka Diinta (culimadda) 2)- Aqoonyahanka Maadiga 3)- Ganacsatadda 4)- iyo Waliba Af-maalka sida Idaacadaha, Abwaanadda, Mu’alifiinta murtida.

Markaad eegto xaalka qaybaha ugu muhiimsanaa ee ay Ummadda Soomaaliyeed lahaayeen ama lahaan lahaayeen waxaad arkeysaa inay la wareegeen Shaqsiyaad daneystayaal ah, Tusaale:

Aqoonyahankii wuxuu u kala baxey mid Soomaalinimda ka faana, iyo mid ku nool dhiiga mujtamaca Soomaaliyeed ( u fiirso shaqsiyaadka Ururada Bulshada ka sameystay qurbaha ama kuwa Aqoonta leh ee laakiin u shaqeeya gumeysiga).

Idaacadaha oo sida Raadiyaha, Wargeysyadda iyo maalmahaan Shabakadahaba waxaa inta badan wax ku qora shaqsiyaad u adeega xumaanta iyo qabyaaladda/siyaasad xumada, waxay ka baaqsadeen waajibkii ay idaacadaha ka saarnaa inay bulshada ku wacyi-galiyaan wanaaga iyo horumarka ama ay sheegaan halka dhibaatadu ka jirto.

Ganacsiga Soomaalida oo inta badan lagu aas-aaso qaab hayb ah, islamarkaana wax aqoon ganacsi badan laheyn ayaa isaguna meesha ka muuqan, oo waxay aheyd  haddii ay dhaqaalo badan ka sameeyaan shacabka Soomaaliyeed inay wax dib ugu soo celiyaan oo ay dhulka iyo mujtamaca lacagta qaar ku maalgaliyaan sidii ay u wanaajin lahaayeen, waxaa hubaal ah inay wax wayn ka bedeli karaan Nolosha iyo horumarka Dalka.. Laakiin xaalkoodu wuxuu noqdey isku dir, nabadiidnimo iyo waliba nidaamdiid.

Ugu dambeyn Culimaddii Diinta oo ah kuwa ugu haboon ee Dadka Mideyn kara ayaa sida muuqata waxay iyaguna u kala baxeen Kooxo ama Masaajidyo, waxaana cad inay isku diidan yihiin arin Siyaasadeed ee laakiin aaney jirin masalooyin Diineed oo sidaa u buuran, waxaad arkeysaa in Wadaad waliba sameystay Goob ay isaga iyo asxaabtiisu ku kulmaan kuna cibaadeystaa.

Afataa qaybood oo ahaa halka laga hago  Mujtamac kasta iyo kan Soomaalidaba, Maanta  waxaa gacanta ku dhigay Shaqsiyaad Daneystayaal ah oo aan dan iyo muraad badan ka laheyn Midnimadda iyo wanaaga Mujtamaca Soomaaliyeed, taasoo dhalisay in shaqsyaad tuugo ah ( Qab-qablayaal) iyo canaasiir u shaqeeya ay burburiyaan oo inta maanta joogtana ay silic iyo barakac ku nool yihiin. 

Lacala haddii ay kuligood iskaashan ama qaybkastaa iskeed u heshiin lahaayeen waxay sida xaqiiqda ah wax ka tari lahaayeen dhibaatooyinka Dadka Soomaaliyeed meelkasta ku haysta Gudaha iyo dibadaba.

WQ; Samatar Liibaan. “Wargeyska Xog-Ogaal”

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s