DHAQAALAHA MAREYKANKA: Saameynta uu ku yeeshay Aduunka intiisa kale.

Arimihii ugu dambeeyay dhaqaalaha Aduunka oo dhan ayaa waxaa saameyn baaxad leh ku yeeshashay burburka ku yimid dhaqaalaha Mareykanka, Waxaa lagu sifeeyay in Isku dhexyaac dhaqaale uu ka dhashey ka dib markii Aqalka Odoyaash sharci dekintu diideen in la bixiyo lacag lagu badbaadin lahaa Bankiyo iyo shirkado waaweyn.

Maanta ayey aheyd markii ay diideen Aqalka Odoyaashu lacag dhan 700 bilyan oo lagu badbaadin lahaa Shirkado iyo Baankiyo si gaar ah loo lahaa ayna soo foodsaartey jahwareer dhaqaale qaarkoodna ay kaceen.

Shirkadahan haddii la siin/amaahin waayo lacagtaa waxaa dhici karta in guud ahaan dhaqaalaha Dalka Mareykanku iyo guud ahaan xulufadiisuba  dhulka galo, Waxaa ku doodaya mid ka mid ah xukuumada Bush laakiin Xisbiga Bush ee Muxaafidka ahi wuu ku kala qaybsan yahay arintaa oo qaar ka mid ah asxaabta xisbigiisa ayaa si wayn u diidan in lacagta Dadweynaha la siiyo shirkado maamul xumo iyaga ka timid darteed u kacey !.

Waxaa la filayaa in Asbuuca soo socda markale la iskugu soo noqdo isla qorshahaan, laakiin markii ay diideen Aqalka Odayaasha maanta waxaa hoos u dhacey saamiyadii dhaqaale ee dalka ugu waaweynaa iyo kuwa caalamkaba.

One thought on “DHAQAALAHA MAREYKANKA: Saameynta uu ku yeeshay Aduunka intiisa kale.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s