MAAMULKA KISMAAYO: oo ku dhawaaqey inay burburin doonaan Kaniisad.

KIsmaayo Xarunta G/Jubada Hoose oo ay dhowaan la wareegeen gacan ku haynteeda Ururka Islaamiga ah ee Al-shabaab Isla markaana u sameeyay maamul Islaami ah. SIda ay shaacisay Idaacad u hadasha Ururka Al-shabaab oo lagu magacaabo Kitaa’ib, Wareysi ay ka qabteen ayuu Godoomiyaha Magaalada Kismaayo Sh. Abuubakar Zaylici ku dhawaaqey in la burburin doono Kaniisad waqti dheer (talyaaniga ayaa dhisay) ku taaley bartamaha Magaalada Kismaayo, sababta ayuu ku sheegay in loogu aargudayo Masaajid ay kalhore Xabashidu ku burburisay Magaalada Harar ee ay gumeystaan.

 Sh. Abuubakar Zaylici.

Sh. Abuu Zaylici ayaa sheegay in meesha Kaniisada laga burburinayo laga taagi Doono Masjid kaasoo loogu magac dari doono Masjidka-Harar, wuxuuna yiri waxay fariin u noqon doontaa gaalada gardaradda ay ku hayaan dhamaan dadka Muslimiinta ah.

Ma banaan tahay in la burburiyo goob waxlagu caabudo ama mid Islaam ama mid Gaallo ? Inkastoo Kaniisadani hadda cid wax ku caabudaa aaney jirin.

Hadaba arintaan jawaab intee la eg ayey ka bixin doonaan Dadwoyga/Dalalka aan Muslimka aheyn iyadoo aan wada og nahay in muslimiin badani u soo haajireen Dalalka aan Muslimka aheyn.

Ma dhici kartaa inay Gaaladu dhibaateeyaan ama mabnuucaan in dhulkooda Masjid laga dhiso ?

Waxaa hubaal ah inay arintani caro galin doonto guud ahaan Gaalada, qaas ahaan kuwa ay dadka Soomaalidu si wayn ugu soo qaxeen yurub iyo Waqooyiga Ameerika.

Idaacadah Gaalada ayaa aad u buunbuuniyay ama aflabadii yeeray kalhore markii la sheegay in la burburiyay Qubuutro Talyaanigu lahaa oo ku yiilay Xamar, Qubuurahan oo sida la sheego ay burburiyeen isla Ururkan Al-shabaab lixdii bilood ee ay Ururkii Maxaakiimta Islaamiga Magaalada Muqdisho maamulayeen Juunyo ilaa Diseembar 2006.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s