BURCAD BADEEDKA: Soomaalida Daawo Warbixintii u dambeysay!

Burcad badeedkii af-duubka u haystey Markabka siday Hubka ay ku jiraan 30ka Kaare ayaa ku adkeysanaaya inuu wadahadal u socdo milkiilayaashii markabka. Waxayna sheegeen inay lagac uun doonayaan.

Ilaa iyo hadda waxay ku go’doonsan yihiin Markabka dhexdiisa, waxaana hadda ku hareeraysan ama ilaalo ka ah Maraakab kuwa ciidamada ah oo uu leeyahay Dalka Mareykanka, waxaa kaloo ku sii jeeda Markab kale oo isna laga leeyahay Ruushka oo ay ciidan ah.

Mid ka midah Burcad-badeedka afduubka u haysta Markabkan ayaa yiri:

Annagu cid aan ka baqeyno ma jirto. Waxaa kaliya aan doonaynaa waa lacag haddii nala siiyana waanu sii dayn doonaa, mana lihin wax xiriir ah Ururka Maxaakiimta waa siduu u dhigaye.

Laakiin waxaa la sheegayaa inuu Qaadkii ka dhamaadey Burcada oo ay markaa bilaabeen inay Bansiinka Markabka dhuuqaan! Waxaa kaloo iyaduna jirta in aaney sahlaneyn inay la baxsadaan haddiiba lacagta ay dalbanayaan la siiyo, Waayo waxaaba dul taagan Diyaarado iyo Maraakiib ay ka buuxaan ciidamo aad u hubeysan , waxayba u badan tahay inaaney Nolol uga bixin doonin. Warbixintii u dambeysay ayaa leh inay lagacta ay dalbadeen ay hoos u dhimayaan.

Warbixin kale oo laga qaadey burcad-badeedka (Gobolka Waqooyi Bari) ayaa  waxay wariye NYtimes ku sheegeen inay tahay sababta ay ugu jiraan howlahan burcadnimada si loo taageero Dowlad ku sheega Imbeghati, wuxuu yiri waxaan Aduunka ka rabnaa inay aqoondadaan Dowladda Kooxda Imbeghati !.

Hadaba arintani ma laga yaabaa in ay ku lug leeyihiin Dagaal-Oogayaasha kooxdan Imbeghati oo ka mid yahay C/laahi Yusuf iyo Cadde muuse oo labaduba Gobolka Waqooyi B ari ku amar taagleeya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s