SHIRKA IGAD: iyo kooxda Imbeghati oo Nairobi looga yeertay.

Nairobi Kenya: Ururka (IGAD) oo ay isku baheysteen Dowladaha geeska Afrika, laakiin ay ku shaqeysato dowlada Xabashida ayaa maanta shir uga furmay Magaalada Niarobi Kenya. 

Shirkan oo ay ku sheegeen inuu yahay mid xaalad deg-deg ah loo qabtey ayaa waxaa isugu imanaya Wasiirada arimaha dibadda ee Wadamada ku jira Ururkaan, Malaha waxaa looga hadli doonaa fashilkii ku yimid faragelintii ay Xabashidu ku sameysay Dalkeena Hooyo.

Sida aan ogsoonahay ujoodadadoodu ma aha inay ka hadli doonaan dhibaatooyinka/xasuuqa ay gaysteen Ciidamada Jabhada Xabashida ee waxay u badan tahay in laga hadlo sidii loo sii taageeri lahaa gumaadka ay Xabashidu ka wado Dalkeena. Ama si wax looga bedelo Istaraatijiyaddii lagu soo dhisay kooxda Imbeghati ee aakhirkii gumeysiga dalkeena lagu baneystay.

Ururka IGAD iyo ururka Midoowga Afikaba waxay Xaruntoodu ku taal Magaalamadaxda Xabashida ee Addis-Abbaba, sida la ogyahay waxaa qarashkooda iyo tallooyinkaba siiya dowladaha/gumeystayaasha reer galbeedka. gumeystuhu wali kama harin firkadihii ahaa inay boobaan kheyraadka dhulka Afrika, sidaa darteed waxay dhaqaale badan galiyaan aragtidooda gumeysiga ku dhisan saldhigooduna waa Addis-Abbaba oo ay u doorteen inay aheyd dalka Masiixi ah markey halkaa tagayeen 1884dii.

Hadaba maxaa kasoo bixi doona shirkaan iyo inay u yeereen Kooxdan Imbeghati gabi-ahaan, la yaab soow maaha in Dowlad (ku sheeg) dolkoodii dibadiisa looga yeerto MAYA maxaa yeelay kooxdani waa dambiilayaan mana metelaan shacabka Soomaaliyeed laakiin waxay wakiilo u yihiin xasuuqa iyo dagaalka uu gumeysiga nooc walbuu yahay kula jiro jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa jira arin kale oo qatarteeda leh oo ah in Wadamadda bariga Afrika ay 20kii sannee u dambeysay noqdeen goobo si baaxad leh looga faafiyay Diinta Masiixiga iyo aragtida gumeystaha shisheeye oo wada socda, taa waxaa cadeyn u ah sida ay uga aamusan yihiin Dowladaha Afrikaanka faragelinta lagu sameeyay dalkooda iyo Ciidanka Afrikaanka/Ugaandha (Calooshood u shqeystaha) ah ee maanta gumaadka ka bilaabay Muqdisho waayo waxayba aaminsan yihiin inay badbaadinayaan shacabka Soomaaliyeed oo ay u arkaan inay yihiin dad baadiyaysan.

Ugu dambeyntii waxaa la isla dhex marayaa in shirkani wax looga bedeli doona Kooxdaan Imbeghati oo markii horeba ay soo dhistay IGAD oo ay hormuud u tahay gumeystaha Xabashida, Wararka qaar ayaa leh in C/laahi Yusuf iyo Nuur Cadde labaduba la eryi doono, Kadibna la sameyn doona Koox cusub oo isugu jirta haraadiga Imbeghati iyo Ururka Dib-u-Xoreynta garabka Jabuuti.. Su’aashu waxay tahay haddii ay sidaa dhacdo shacabka Soomaaliyeed ma aqbali doonaan in markale lagu jujuubo Kooxo ay soo dhisteen gumeystaha ? Dagaalyahanka hadda dagaalka kula jira xabashida ma lagu soo dari doonaa Kooxdaas cusub ? Ciidanka Xabashidu ma ka baxayaan dhulkeena ? Jawaabta dhabta ah waxay soo bixi doontaa maalmaha/bilaha soo socda.

 (Insha Allah Ummadda Soomaaliyeed ayey guusha u dambeynaysaa)

2 thoughts on “SHIRKA IGAD: iyo kooxda Imbeghati oo Nairobi looga yeertay.

  1. mahad

    Soomaalida ku nool Turkiga oo ay saameysay afduubyada maraakiibta shisheeye ee Burcad badeeda Soomaalida.

    Afduubyadii isdawa jooga ahaa oo burcad badeed somali ah ay ku qabsadeen maraakiib laga leeyahay meela badan oo kamid ah dunida gaar ahaan wadamada reer galbeedka waxay saameen ku yeelatay guud ahaan somalida kusugan wadamadaas.

    hadaba somalida ku dhaqan dalka turkiya ayaa si gaar ah u dareemay kadib markii dhoor markad oo wadankaas laga leeyahay burcad badeedu gacanta u galeen hadaba dadka somaliyeed ayaa waxay mujinayaan dhıbaatooyin kala duwan iyagoo inta badan ayay kuu sheegayaan in ay ku adkaatay suaalo ay waydinayaan dadka turkida markii ay dhexsocdaan xaafadahooda ama ay u baahdaan inay wax ka iibsadaan suuqyada.

    sualaha somalida la waydiiyo waxa ka mid ah maxaad maraakiibteena u afduubataan? taas oo qofka somaliga ka dhigeeso meel uusan jawaab macquul ka bixin karin inta waxa ka sii darna markii ay dhacday arin gacan ka hadal aheed oo dhalinyaro turki ah wiil sudan ah ay toori galiyeen iyagoo u heesta inuu somali yahay meel gaobol ah uu dagna sida ay noo xaqiijiyeen gabdha somali oo ku sugan halka ay falkaasi uu kadhacay.

    wadanka turkiya waxa ku nool somali badan oo isugu jira caruur iyo waayeel kuwaas oo kakala yimid guud ahaan gobolada dalka somaliya iyagoo ka cararaya dhıbaatooyinka rubci qarniga ku dhaw o ka soconaya somali iyo dowlad la aanta kajirta halkaas dadka soomalida ayaa soo dhaween waxay ka helaan xukuumada ankara iyo xarunta umadaha midoowe ay ku leedahay ankara iyo waliba shacabwaynaha turkiya.

    xarunta unka ee ankara ayaysomalida ay iska diiwaan geliyaan sida xarumaha kale ay unka ku leedahay wadama badan oo dunida ah qar kamid ah dadkaas ayaa degaan la siiya halka qaarka kalena loo dhoofiyo wadama yurub ıyo mareekanka kadib markii in mudo ah ay dhameestiraan nidaamka ogolashaha ee u dagan unka taas oo dad badan ay dhibaato ku maraan kuna qaadato mudo sanooyin ah kadibna u talaaba dhanka wadanka garııga

    waxa sheeka kaloo mucjiso iyo layaab ah sida ay marka horeba somalida iyo dad badan oo wadama dhoowr ah ku yimaadan halkaan taas oo iyana aan ka dhib yareen dhibaatooyinka ka dhaca wadada sudan iyo liibiya imikadaan waxa xabsıya dalka turiya ku xiran dad badan oon xaaladooda wax war ah aan laga heen.

    aqrısta yaasha xamarnews waxan u balan qaadeena inaan idinsoo gudbın doono warbixino gaar ah oo aan ku wareesaneeno dhalinyaro iyagu dhawaan xabsıyo laga soo daayay iyo kuwa dhawaan soo gaaray halkan ee lasocod wanagsan.

    Mahad Maxmuud

    Ankara_turkiy

    mahadaani@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s