CEEL BIYO: Looga soo saarayo Baaskiil/ciyaarta caruurta!


Waa Barnaamij ay soo diyaariyeen Ururo Samafal ah, waxaana loogu tallo galey Dhulka Afrika qaas ahaan tuulooyinka ay ka jirto Koronto la”aanta ama aan haysan dhaqaale ay ku iibsadaan Shidaalka lagu shubo Matoorada biyaha ka soo saaro ceelasha ama danabka dhaliya.

Barnaamijkani iyo kuwo kale oo uu ku jiro mid Baaskiil loo bedelay Matoorkii Bambada wareejin lahaa ayaad moodaa inuu ku haboon yahay maantadan dalka Soomaaliya. Qaas ahaan Dadka aadka uga fog Magaalooyinka Waaweyn ama Beeraleyda yar yar ee Wabiga jiinkiisa Beeraha ka tabcadda. 

Haddii Qoyska beeraleyda ah ee Wabiga agtiisa ku leh Beer uu soo iibsado labo Baskiil oo kuwan oo kale ah, isla markaana labada baskiilba/bamboba lagu shaqeeyo ilaa Afar ama lix saacadood,(Filimka hoose) waxaa hubaal ah in ay ku waraabin karaan Beer dhan 4 Hiktaar ama ka badan, waxayna uga maarmi lahaayeen inay shidaal ama Matoor qarash badan ku bixiyaan.

Baaskiilka Biyaha lagu soo saaro ee ka muuqda Filimka labaad waa mid maanta looga baahan yahay Dalka Soomaaliya gaar ahaan dhulka Beeraha ee ay Labada Wabi ee Jubba iyo Shabeele ay maraan, sida aan wada ognahay Dalka Soomaaliya sannad kasta waxaa Gaajo iyo nafaqo daro ugu geeriyooda Dad Soomaaliyeed oo haddii ay jiri laheyd wax daryeela laga yaabi lahaa inay badbaadaan. Geerifu waa xaq. laakiin waxaa jira Macaluuc baahsan oo ka jirta Dalka waxaana ugu wacan Cunno yaraan.

Ganacsatada Soomaaliyeed Waqooyi ama Koonfurtaba waxaa fiican inay Bambooyinkaan Dalka keenaan, oo sida filimka ka muuqata laga heli karo Dalka Hindiya ama Pakistaan oo si dhaqso ah isla markaana raqiis ah looga keeni karo………..  Maanta sidaan wada ognahay Ganacsatada Soomaalida waxay ku mashquulsan yihiin inay la soo degaan Baabuur Landcruisers ah halka 85% Dadkoodii ay gaajo iyo macaluul u dhamaanayaan.

Ganacsatada Soomaaliyeed waxaa waajib ka saaran yahay Horumarinta Dalka maxaa yeelay halka ay lacagta ka sameeyaan waa Dadka Soomaaliyeed , sidaa darteed waa inay dhulka iyo Xoolahaba Maalgalin ku sameeyaan. Gaar ahaan Wax-soosaarka beeraha, Haddii ay cunnooyinka ay wadanka soo galiyaan dhulka ka soo saari lahaayeen waxaa Ummadda Soomaaliyeed u baaqan laheyd lacag farabadan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s