SAFARKA SH. SHARIIF: Nabad raadin mise xulufo raadin ?

shsharif0305_jpg-1_jpgSh. Shariif Sh Axmed oo ah Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib-u-xoreynta garabka Jabuuti isla markaana ah siyaasiga ugu caansan ama loogu jecel yahay guud ahaan dhulka Soomaaliya, ayaa dhowaan dib ugu soo laabtey Dalka gaar ahaan Magaalooyinka Jowhar iyo Beledwayne, Goobahan uu Hogaamiyuhu dib ugu soo laabtey waxaa si qaas ah ugu badan shacabka Soomaaliyeed ee Siyaasadiisa si gaar ahaaneed ugu qanacsan,  Waxaa kaloo iyana jooga Ciidamo si ba’an ula dagaal galey gumeysiga Xabashida iyo Dowlad ku sheega Kooxda gumeysi raaca ah ee loo yaqaan Doofaareey ama Imbeghati, Ciidanka Isdifaaca sida muuqata waa ay ku kala qaybsan yihiin qorshaha siyaasadeed ee uu Sh. Shariif la yimid Goboladaan.

Arinta ugu wayn ee dhalisay qilaafkan ayaa ah, iyadoo Kooxda Qorshaha Sh. Shariif ka soo horjeeda ay aaminsan yihiin inaan wax wada hadal ah sideedaba loo baahneyn Soomaalida dhexdooda qaas ahaan inaan la qaadan karin in bada-dhilifka (Kooxda doofaareey) iyo Ciidanka wax-iska caabintu/Maxkamaduhu, inta ay Dalka joogaan ciidanka gumeysiga xabashida ee Dalka ku soo duulay.tanks-tigree

Laakiin waxaa iyadana jira in Dad badani oo ay ku jiraan xunbo sar-sare oo ka mid ah Maxaakiimtu ay waafaqsan yihiin qorshaha Sh.Shariif uu wado, kaasoo uu heshiis kula soo galay kooxda Imbeghati oo badankood dambiilayaal Qaran ah, Sheekha iyo Asxaabtiisa ayaa u arka in Soomaalida dhexdeeda haddii ay heshiin karaan in ay muhiim tahay isla markaana lagu baajin karo dhiiga Shacabka Soomaaliyeed ee maalin walba sida macno daroda ah u qubanaayo !. iyo waliba in Cadowga lagu qabciyo in Dalka ay isaga baxaan si heshiis/nabad ah, waxaana arintaani goobjoog ama hormuud ka ah Ururka Qaramadda Midoobay QM Ciidanka cadowgana isla markaa lagu bedelo Ciidan Afrikaan ah oo aan damaaci dheer ka laheyn dhulka Soomaaliya. Waana qorshaha uu Sh. Shariif wado.

SAFARKA SH.SHARIIF JOWHAR IYO BELED-WAYNE.

Safarka uu dhowaan ku tagey Dalka  Sh.Shariif ayaa dhaliyay dareen cusub iyo dood Soomaalida dhexdeeda ah, oo waxaa la dareemayaa dardar cusub oo ku soo korodhay siyaasadda Soomaaliya, Waxaa soo baxey dareen isku qasan oo taageero iyo diidmo isugu jira, Kooxda Doofaareey ayaa u muuqda qaar aad ula dhacsan safarka Shiikha waxayna u turjumeen mid soo nooleyn kara damaacigoodii inay Dowlad yihiin isla markaana ay siyaasadoodii ay Dalka cadowga ku soo galiyeen ay aakhirkii shaqeynayso isla markaana ay kala daadiyeen Maxaakiintii uu dagaalka ba’ani ka dhexeeyay.

Waxaad arkeysaa Dad Dabadhilifyo ah oo Sh. Shariif amaanaya oo leh waa nin fiican waana garab taagan nahay taasoo dareen galisay taageerayaasha Maxaakiinta ama Ciidanka Isdifaaca ee Dalka ka jira, waxaa kaloo iyadana soo baxeysa in Safarka Sh. Shariif loo belelay ku saleysan xulufeysi beeleen oo u dhexeeya Beelaha Soomaaliyeed ee u badan Beled-wayne iyo Jowhar, Balcad ilaa Magaala Madaxda Dalka ee Muqdisho. waxaa kaloo la sheegayaa in ay Ciidamo ay hogaamiyaan Dagaal-ooge Daba-geed iyo Maxamed dheere ay ku lug leeyihiin soo dhaweynta ama taageerada Sh. Shariif , waa arin cusub haddiiba Qab-qablayaashii ay taageerayaan garab ka mid ah Maxaakiimta.

Garabka Asmara ee Ururka Dib-u-xoreynta oo uu hogaamiyo Sh.Daahir Aweys ayaa si aad ah uga soo horjeeda qorshahan Sh.Shariif iyo safarkiisaba. arinta ugu wayn ee ay ku diidan yihiin ayaa ah in Shiikhu ku gorgortamaayo dhiiga ama dhibta soo gaartey Dagaal yahanka Kooxda ay isku filirka yihiin sida Al-shabaab iyo kooxo kale oo badan oo dhamaantood aaminsan in Dalka lagu xukumo shareecada Islaamka, waxayna aaminsan yihiin in qorshaha Sh. Shariif uu yahay mid kaa ka duwan isla markaana uu magaca iyo maqaamka uu maanta haysto uu iyaga awadood ku helay !.

Guntii iyo gabo-gabadii waxaa muuqata in ay qilaaf xoog leh uu soo kala soo dhexgalay Ururkii dib-u-xoreynta iyo Maxaakiintii kal hore midka ahaa, arintaa oo sababta ugu wayni ay tahay Qorshe-la’aan, is aamin la’aanta, Ismaqal la’aanta iyo waliba damaaciga shaqsiyaad ah.. Sh. Shariif waa nin Siyaasi ah waana yeelan karaa cilado iyo wanaagba laakiin haddii aanay jirin Midnimo iyo ismaqal qorshihiisu miro dhal noqon maayo, Ururada Dagaalka kula jira gumeysiga iyaguna waa ku saxan yihiin inay difaacaan Dalka iyo Diintaba laakiin nasiin daro ma leh qorshe siyaasadeed oo lagu gaari karo midnimadda Soomaaliyeed oo waa Koox iyagu mar walba isla saxan, Dagaalka iyo halganku ma aha kaliya in aad cadowga xabad ku rido ee waxaa loo baahan yahay inaad kasbato shacabka Soomaaliyeed isla markaana aad nabad ka raadiso dhexdooda.

Safarkan Sh. Shariif waxaa ka soo bixi karo laba arimood mid waa inuu sababo dagaal sokeeye oo bilowda taasoo ah nasiib daro u soo hoyatey Ummadda Soomaaliyeed Alle ha naga koriyee ,Midda kale ayaa ah Sh. Shariif waxaad moodaa inuu waxoogaa guul ka soo hooyay arimaha dibadda oo uu QM iyo Dowladaha reer Galbeedka ka dhaadhiciyay in Dalka laga saaro Ciidanka Cadowga inkastoo ay wali Ciidan shisheeye Dalka wali sii joogi doonaan lagana yaabo in Ciidankaasi uu ilaalo wali u yahay Dambiilayaasha kooxda Imbeghati, laakiin in waqti la siiyo geedi socodka nabada iyo bixitaanka Cadowga waa lagama maarmaan maanta .

Aanu ka wardhowrno Sh.Shariif sida uu ugu guulaysan karo arimaha gudaha Dalka iyo siduu isugu keeni lahaa Maxaakiimta ama Ururka Dib-u-xoreynta taas ayaana ah Layliga dhabta ah ee u yaala Sh. Shariif..  Waa muhiim in laga warsugo sida uu Sh. Shariif uu ugu qabciyo qorshihiisa shacabka Soomaaliyeed ee jooga gudaha Dalka.

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s