BURCAD BADEEDKA SOOMAALIDA.

Burcad badeedka Soomaalida ayaa waxay afduubteed markab kii ugu waynaa abid, Markabkan oo laga afduubay biyaha caalamaliga ah ee Badweynta Hindiya oo u jirta Dalka Soomaaliya ilaa 840 Km, waxaana sida la sheegayo iska leh Dalka Sacuudiga waxaana ku raran 2 malyuun oo barmiil oo shidaalka cayruun ah, Markabkan ayaa la sheegayaan inuu u jeeday Dalka Mareykanka.

Burcad badeedka ayaa dalka Soomaaliya Gobolada Bari iyo Mudud ka noqdey wax aad looga hadlo ama dhalinyaro badan ay ku mashquulsan yihiin sidii ay burcad u noqon lahaayeen.

Burcad Badeedka ayaa inta badan markii hore ka bilowday Gobolka waqooyi bari ee Soomaaliya ee la magac baxey Puntland kaasoo ay maamulaan Jabhad beeleed  uu aasaasey C/laahi Yuusuf oo ah ninka ugu Jaahilsan Qab-qablayaasha dagaalka Soomaaliya, haddana ama labadii sano ee la soo dhaafey ay Dowlad xabashidu isku dayeysay inay Madaxwayne Soomaaliya ka dhigato maadaama uu ahaa nin mudo dheer u soo shaqeynayey iyaga. 

Inta badan waxaa loo maleynayaa in burcadani ay ka faa’iidaysanayaan Dowlad la’aanta ka jirta Dalka taasoo inta badan ay sabab u yihiin Dowlado shisheeye oo faraha kula jira siyaasada Dalka iyo waliba ururka Qaramada midoobay oo inta badan ka amar qaata Dowlada Mareykanka ee maalmahaan u soo jeestay inay burburiyaan Dowladaha tabarta yar ee Muslimiinta ah sida Soomaaliya iyo Afgaanistaan.

Xalka burcad badeedka ayaa iman kara haddii dadka Soomaaliyeed loo ogolaado inay Dowlada ay iyagu rabaan loo daayo, haddii ay tahay mid Islaami ah iyo mid kale. 2006 markii ay Maxaakiimta la wareegeen xukunka Dalka waxaa yaraadey burcad badeedka  iyo waliba midda dhulkaba laakiin waxaa taa burburiyay Dowladaha shisheeye iyo waliba QM oo labaduba ilaa hadda caqabad ku ah nabada Soomaaliya.

One thought on “BURCAD BADEEDKA SOOMAALIDA.

  1. mahad

    Soomaalida ku nool Turkiga oo ay saameysay afduubyada maraakiibta shisheeye ee Burcad badeeda Soomaalida.

    Afduubyadii isdawa jooga ahaa oo burcad badeed somali ah ay ku qabsadeen maraakiib laga leeyahay meela badan oo kamid ah dunida gaar ahaan wadamada reer galbeedka waxay saameen ku yeelatay guud ahaan somalida kusugan wadamadaas.

    hadaba somalida ku dhaqan dalka turkiya ayaa si gaar ah u dareemay kadib markii dhoor markad oo wadankaas laga leeyahay burcad badeedu gacanta u galeen hadaba dadka somaliyeed ayaa waxay mujinayaan dhıbaatooyin kala duwan iyagoo inta badan ayay kuu sheegayaan in ay ku adkaatay suaalo ay waydinayaan dadka turkida markii ay dhexsocdaan xaafadahooda ama ay u baahdaan inay wax ka iibsadaan suuqyada.

    sualaha somalida la waydiiyo waxa ka mid ah maxaad maraakiibteena u afduubataan? taas oo qofka somaliga ka dhigeeso meel uusan jawaab macquul ka bixin karin inta waxa ka sii darna markii ay dhacday arin gacan ka hadal aheed oo dhalinyaro turki ah wiil sudan ah ay toori galiyeen iyagoo u heesta inuu somali yahay meel gaobol ah uu dagna sida ay noo xaqiijiyeen gabdha somali oo ku sugan halka ay falkaasi uu kadhacay.

    wadanka turkiya waxa ku nool somali badan oo isugu jira caruur iyo waayeel kuwaas oo kakala yimid guud ahaan gobolada dalka somaliya iyagoo ka cararaya dhıbaatooyinka rubci qarniga ku dhaw o ka soconaya somali iyo dowlad la aanta kajirta halkaas dadka soomalida ayaa soo dhaween waxay ka helaan xukuumada ankara iyo xarunta umadaha midoowe ay ku leedahay ankara iyo waliba shacabwaynaha turkiya.

    xarunta unka ee ankara ayaysomalida ay iska diiwaan geliyaan sida xarumaha kale ay unka ku leedahay wadama badan oo dunida ah qar kamid ah dadkaas ayaa degaan la siiya halka qaarka kalena loo dhoofiyo wadama yurub ıyo mareekanka kadib markii in mudo ah ay dhameestiraan nidaamka ogolashaha ee u dagan unka taas oo dad badan ay dhibaato ku maraan kuna qaadato mudo sanooyin ah kadibna u talaaba dhanka wadanka garııga

    waxa sheeka kaloo mucjiso iyo layaab ah sida ay marka horeba somalida iyo dad badan oo wadama dhoowr ah ku yimaadan halkaan taas oo iyana aan ka dhib yareen dhibaatooyinka ka dhaca wadada sudan iyo liibiya imikadaan waxa xabsıya dalka turiya ku xiran dad badan oon xaaladooda wax war ah aan laga heen.

    aqrısta yaasha xag ogaal waxan u balan qaadeena inaan idinsoo gudbın doono warbixino gaar ah oo aan ku wareesaneeno dhalinyaro iyagu dhawaan xabsıyo laga soo daayay iyo kuwa dhawaan soo gaaray halkan ee lasocod wanagsan.

    Mahad Maxmuud

    Ankara_turkiy

    mahadaani@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s