XUKUN LAGU RIDAY: Afar Wiil oo Gabar kufsadey!

kaalin

Ururka hubeysan ee Al-shabaab ayaa xukun karbaash ah ku fuliyay afar Wiil oo Gabar yar ku kufsadey Xaafad ka mid Magaalada Muqdisho. Wiilashan dhalinyarada ah ee kufsiga u gaystey gabadha ayaa u eg inay da’doodu u dhaxeyso 16 ilaa 18, waxaa kaloo ay Gabadha u gaysteen jirdil iyo waxyeelooyin kale.

Sida ay wararku sheegayaan markii wiilashan la soo qabtey ayaa loo taxaabey Maxkamad Islaami ah oo ku taala goobtaas, waxaa goobta lagu xukumay joogay waalidiinta Gabadha. Iyadoo markii dambe lagu xukumay in 100 Karbaash lagu dhufto midkiiba, in Magaaladda laga musaafuriyo waqti dheer iyo waliba inay bixiyaan meherka Gabadha.

kufsi1karbaash

Goobta lagu fuliyay Xukunkaan oo ah meel ku dhow Xaruntii hore Ciidanka Jaalle Siyaad waxaa isugu yimid dadweyne fara badan. oo markaa daawanaayey sida loo karbaashayey Wiilashaas kufsiga u gaystey Gabadhaas.

Waxay u eg tahay in Wiilashani ay yihiin kuwa aan waligood guursan, isla markaana ay da’doodu aad u yar tahay. waxaana laga yaabaa in ay ku koreen bii’ad aad iyo aad u xun oo laga yaabo inay caadi  ka tahay kufsiga iyo waliba dulmi kale oo ka sii wayn.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s