BARNAAMIJKA: Kicinta shacabka Muqdisho oo soo laba kacleeyay.

xamarWaxaa soo ifbaxaaya in Soomaaliya laga wado barnaamij la rabo in lagu kiciyo Shacabka ama beelaha Magaalla madaxdeena Soomaaliya u badan. Barnaamijkani waa mid u eg kii Dalka Ciraaq kal hore laga fuliyay ee ahaa SUNNI Awakening.. Barnaamijkaan waxaa isaguna magaciisa la oran karaa waa UNNUKA awakening. Halku dhigyadiisa waxaa ka mid ah Xamar unnukaa leh. Shacabka yaan la laynin. Madfac yaa laga dhex ridin IWM.

U fiirso waxaa loo kala baxay UNNUKA iyo IDDINKA dadkii markii Xabashku joogay xamar isla safnaa waxay u kala baxeen labadaas kooxood, maanta dadka sheegta inay Xamar iska leeyihiin, ee laakiin markuu xabashka joogay aan laga maqli jirin unnukaa leh iyo wax la mid ah waxay la soo baxeen Wajiyo cusub si fiican ugu kuurgal magacyadoodan(hoos ku qoran) oo kuligood isku beel ah waxay maanta leeyihiin dagaalkii waa dhamaadey ” waa su’aale ma xamar ayaa dadkan ka maqnaa mise madax banaanida Soomaaliyeed oo dhan ayaa loo dagaal galey?” Maxaa Hogaamiyaashaan isku fikrad ka wada dhigay waa yaabe lacag intee la eg ayaa la siiyay ?

  • Indha-cadde (qab-qable dagaal/Maxaakiimta)
  • Sh C/raxiin Ciise Cadow (afhayeenkii Maxta).
  • Dr Cumar Xaashi (ex Maxta Beled-wayne)
  • Abshir Bacadle (Abwaan Soomaaliyeed/halgame)
  • Sh Shariif Sh Axmen IWM.

Soomaaliya oo dhan Gaalkacyo ilaa Dhoobley waxaa ku soo duulay Mareykan, Xabashi iyo dhowr wadan oo Afrikaan ah sannadkii 2006dii. waxaa lagu xasuuqay shacab Soomaaliyeed oo ka badan 20.000kun oo qof waxaana lagu naafeeyay qiyaaskii laba jibaar inta dhimatey ama ka sii badan, sidoo kale waxaa Magaaladda Muqdisho oo ah caasimada Dalka kaliya ku bara-kacey in ka badan hal ilaa nus Malyuun shacab aan waxba galabsan ah.

Dagaal iyo xasuuqii markii uu socday laba sanno waxaaa Xabashidii oo aheyn awooda uu Mareykanku isku haleynaayey ay u adkeysan wayday Dagaalka joogtada ah ee ay ku hayeen Xaq u dirirka Soomaaliyeed oo inta badan u badnaa Ururada diinta sida Al-shabaabka, Maxaakiimta, iyo kuwo kale oo intaba markaa ku mideysnaa inay Xabashida xoog uga saaraan Dhulka Soomaaliyeed.  Waqtigii uu dagaalka socday ma jirin kanaa Degaanka ah iyo Beel-beel toona ee waxay joogtay yaa hal mar Xabashka dagaal kala hortagi kara oo aan baqeynin.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s