AMISOM: Calooshood-u-shaqeysatadda oo xasuuq ka gaystey Bakaaraha.

MUQDISHO SOOMAALIYA: 15 ruux ayaa ku geeriyootay 80 kalana waa ay ku dhaawacmeen Inta illaa iyo haatan la xaqiijiyey kadib Madaafiic ay Ciidamada Calooshood-Ushaqeystayaasha Afrikaanka ahi ay ku garaaceen Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, Waxana Madaafiicda Afrikaanku ay ku gaaraaceen Suuqa Bakaaraha ay la beegsadeen Xilligii uu Suuqu ugu saxmadda badnaa.Sidoo kale Dagaallo ba’an ayaa Maanta ka dhacay degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir halkaasi oo mudooyinkii u dambeeyay ay isku horfadhiyeen Ciidamada Shisheeye iyo Xarakada Mujaahiddiinta Alshabaab, Waxaa Dagaal kaa la mid ahina u ka dhacay Agagaarka Sayidka oo sida Wararku nagu soo gaarayaan ay Xarakada Alshabaab halkaa kula wareegeen Difaacyo ay Ciidamada Shisheeye ku lahaayeen Agagaarka Sayidka.

Madaafiicda meelaha ay Ciidamada Shisheeye ku garaaceen ayaa waxaa ka mid ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha waxaana madfac halkaasi ku dhacay ku dhaawacmay 15 ruux xilli Dadku ay ku sugnaayeen qeybta weysada ee Masjidkaasi, Sidoo kale meelaha ay madaafiicdu ku dhaceen ayaa waxaa ka mid ah qeybta Daawada, Qeybta Badarka, qeybta Sarrifka iyo sarta Cali Dheere waxaana halkaasi ku dhaawacmay dad aad u farabadan, Iyadoo Dad kalena ay halkaasi ku Dhinteen. Madfaca ku dhacay qeybta badarka ee Suuqa Bakaaraha ayaa waxa uu sidoo kale sababay gubashada dhowr Bakhaar oo halkaasi ku yiillay, iyadoo dhinaca kalena dad farabadan ay ku dhaawacmeen Madfacaasi.

Calooshood-Ushaqeystayaasha Afrikaanka ah ayaa caado ka dhigtay in ay Xasuuqaan Dadka Shacabka ah ee Suuqa Bakaaraha usoo adeeg doonta, Iyagoo markii ay Waxyeello kasoo gaarto Dagaallada ay Muqdisho ka wadaanna ka aarguta Dadka Rayidka ah ee Suuqyada Magaalada Muqdisho usoo dukaameysi taga.

Xigasho: hillaac.net

6 thoughts on “AMISOM: Calooshood-u-shaqeysatadda oo xasuuq ka gaystey Bakaaraha.

  1. shaaciye

    waa in laga sagaaraa cidamada calooshood u shaqeystayaasha pleese pls pls allow noo dhali dowlad na ilowsiiso qaxarka iyo dhibka ini ilowsiiso

  2. Anonymous

    maxaa noo keenay kufaartaan waan iska saari doonaa insha allaah kufaartii ka horeysay ee Mareykan Unisom iyo Xabashidiiba waan iska saarnay

  3. ciil cadaab kadoortay

    saanu si maahan somaliyeey maan daawanaa ilaa dalkena lala wareegayo mase waan tashanaa walaahi inaan meel sari karno dalkena ayaan qabaa anigu hadaan isku hadaf ka noqono wax al shabaab layiraahdana majiraan ee kuli waa calooshood u shaqeystayaal sida ciidamada afrikaanka ahi ey ugu adegayaan kuwa danta ka leh dalkena oo kale ayey al shaabna ugu adegayaan ee dadoow somaalaay hadey daba qabad leedahaye madaba qabanaa oo ma,israacna ra,ti cudud iyo wada tashi danaheena gaarka ah iyo kuwa dalkeena iiyo dadkeenaba iyo waliba duunyadeena walaalayaal inaan intaa ka sii badan daawano igulama haboona anigu waxaan isleeyahay dalkii aad oo waliba sanadka cusub inaan baxo ayaa iga go,an una dhinto kuna dhinto diyaar geeri dalkeyga iyo dadkeyga ah ayaa iga go,an intaan dhiman lahaa anoo ciil qaba dadoow walaahi ileyn cidina harimeysoo waa lawada dhimanayaaye ogaada walaalayaal walaahi jihaad xaq ah haduu nagu wajibay intan dadkena iyo dalkena kasoo ceshaneyno aan xataa maskaxda iska racsanaano oo iisoo duceeya mahadsanidiin.

  4. Dr.afgoye

    Asc somalidhan gaar ahaan war geeska xog-ogaal maashaa allaah marwalba waxaa uu kahadlaa qaranimada somalia waana ugu mahad celindoonaa in teena qaranka jecel iyo wadanimada jecel wallaal maalin un baa taariiqda kuxusi doontaa dhamaan masuuliyiinta xog-ogaal (Caana Geelle ) waan kaaga mahad celineey naa wallaal waadna ku mahad san tahay wallaal

  5. Jamac

    Asc walal horta su aal ma waxaa calool u shaqayste ah shabaab mise ciidamada africa xaqiiqda haddii aan isaga jawaabo anigu waxaa calool u shaqayste ah alshabab waayo dadka soomaaliyeed ayay markasta dilayaan dilkala roone way qalanayaan waxay jarayaan lixaadkooda maxay dadka taas ugu sameeyaan sida macna la aanta ah bye

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s