WAX-BARASHO.

BARO DALKAAGA

HORDHAC.

Boggaan ama qormadaan waxaa loogu tala-galey inay ka faa’iideystaan guud ahaan dadka soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada soomaaliyeed ee aan fursada u helin inay soo arkaan ama ay bartaan dhulkooda hooyo. Qoraalkan kaliya laguma soo koobi karo barashada dhulka hooyo. Laakiin waxaan ka soo qaadan doonaa in yar oo kooban.Dalka Soomaaliya wuxuu ku yaalaa geeska Africa , wuxuuna ku fadhiyaa dhul ay baaxadiisu dhan tahay 642,631Km sq. Waxa dhanka bari iyo waqooyi xuduud u ah Badweynta Hindiya iyo badda cadmeed, dhanka waqooyi-galbeed waxaa ka xigga Dalka Jabuuti, koonfurta bari waxaa ka xigga gobolka NFD ee ay soomaalidu degto ee Kenya, Dhanka Galbeedka waxaa ka xigga Gobolka Soomaali Galbeed ee ay Eithopia gumeysato.

Dalka Soomaaliya wuxuu aduunka kaga yaalaa bar aad iyo aad u mihiim ah (strategic) oo ay fududahay in aduunka meelkasta xariirka ganacsiga iyo dadyowga aduunkaba lagala sameyn karo, wuxuuna leeyahay xeebta labaad ee ugu dheer Qaarada Africa oo dhan 3437 Km.

picture-112.jpg

Qiyaasta tirada dadka soomaaliyeed waxaa lagu sheegaa 9.3 Malyuun ilaa 11 malyuun oo qof waa inta xaduud beenaadka gudihiisa ah. waxaana loo kala saari karaa 60% reer miyi ah, 20% beeraley ah, iyo 20% reer Magaale isugu jira Kaluumeysato iyo Ganacsato iyo waliba farsamo yaqaano. Dalka soomaaliya wuxuu leeyahay laba wabi oo la yiraahdo Wabiga jubba iyo Wabiga shabeele. kuwaas oo looga faa’iideysto tacabka beeraha waraabka ah iyo waliba kaluumeysi .

picture-233.jpg

 CALAAMADA CIIDANKA IYO DIFAACA QARANIMADA/JAMHUURIYADA SOOMAALIYA

picture-2001.png

Calanka Soomaalya waa buluug, ay xidig-shan-gees leh dhexda kaga taallo (sawirka hoose waaye). Caasimada ama Magaalo-madaxda soomaaliya waa MUQDISHO oo ku taalla G/Banaadir ee Koonfurta soomaaliya (Sawirka kore). Magaalo madaxda labaad waa HARGEYSA (Sawirka hoose) oo iyaduna ku taalla Waqooyiga soomaaliya.

 

 Gumeystayaashii reer yurub ee ku shiray Baarliin 1884 ayaa waxay isla gaareen inay Dalkeena kala qaybsadaan iyagoo u kala qaybsadey sidan.

 1)- Gobolada Waqooyi oo ay boobeen gumeystihii Ingiriiska.

2)- Gobolada Koonfurta  iyo qaar ka mid ah Waqooyi bari waxaa boobay Talyaani.

30- Xeebta Soomaaliyeed ee Jabuuti waxaa boobay Faransiis.

4)- Gobolka Soomaali Galbeed oo uu markii hore Ingiriisku boobay waxaaay markii dambe ku wareejiyeen Boqortooyadii xabashida oo ay ilaa hadda haystaan/gumeystaan.

5)- Gobolka Koonfurta Galbeed ama NFD iyaduna sidoo kale waxaa markii hore boobay Ingiriiska oo markii dambana gacanta u galiyay Dalka Kenya. 

 Shantaan Gobol oo la isku yiraahdo Soomaaliweyn ama shanta Soomaaliya waxaa Taariikhdu markey aheyd June 26keedii sannadkii 1960kii helay xornimadiisa Gobolkii Waqooyiga Soomaaliya, Jully 1deedii isla sannadkaa isna xoriyadiisii Alle siiyay Goboladii Koonfureen ka dibna si walaaltinimo ku jirto isugu yimid halkaana ku aas-aasey Jamhuurad Ummadda Soomaaliyeed ay leeyihiin oo ka madax banaan gumeysi iyo amar ku taagleyn.

 

–Gobolka Xeebta Jabuuti waxay iyaduna xornamadeedi heshay 1977 taasoo ay gacan wayn ka gaysatey Jamhuuriyadii Soomaaliyeed ee iyadu xorta aheyd. Jabuuti xoriyadeeda waxaa lagu xiray shuruud ah in aaney ku biirin Jamhuuriyada Soomaaliya taasoo ay gumeysigu sabab uga dhigeen in Jabuuti aaney Soomaali kaliya degin/laheynoo ay Dadyowga canfarta ahi Soomaali aheyn. Markii dambe waxaa lagu dhameeyay in ay Dowlad madax banaan noqoto laakiin ilaa iyo hadda waxay la leeyihiin xiriir walaaltinimo Ummaddooda Soomaaliyeed intooda kale.

— Gobolka NFD isagu waxaa lagu dhameeyay sida la sheegayo inay Dalka Kenya ka mid noqdaan. kadib markii ay Xukuumadihii labada ee Kenya iyo qalinka ku d duugeen arintaa. heshiis ayaa waxaa Dowladii Soomaaliya ee markaa jirtay saxiixay Axmed Ibraahim Cigaal oo ahaa Ra’iisal wasaaraha Dalka Soomaaliya. 

 

Markii ay Soomaalidii ku dhaqneyd labada Gobol ee Koonfurta iyo Waqooyiga xornimadoodii helayeen Wadanku wuxuu lahaa magacyo loo yaqaaney Goboladiisa kuwaasoo ay gumeystuhu bixiyeen qaar ka mid ah KOONFURTA waxaa laheyd lix Gobol sida ,Banaadir, Hiiraan, Jubadda Hoose, Jubada Sare, Mudug , iyo Bari.

WAQOOYINA waa ka jiray laba Gobol oo kala ahaa Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi bari. Markaa Jamhuuriyaadii Soomaaliya waxay isku noqotay Sideed Gobol.

 

1964 waxaa Dalka Soomaaliya weerar gardaro ah ku soo qaadey taliska Xabashida ee awalba haystay Gobol ka mid ah dhulka Soomaaliyeed laakiin waxaa si geesinimo leh gaashaanka u daruuray Ciidankii Difaaca Dalka oo ku qasbey xabashida in joojiso gardarada.

 1969kii waxaa dhacey inqilaaq ay taladii Dalka la wareegeen Ciidanka Xoogga oo uu hor kacaayey Jaalle Maxamed Siyaad Barre. markii ay talada Dalka gacanta u gashay Kacaankii loo yaqaaney Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka, tilaabooyinkii horumarka lahaa ee la sameeyay waxaa ka mid ahaa. Qorista afka hooyo ee Soomaaliga oo lagu qorey xarfaha  laatiinka, ka dibna waxaa ku xigay Ololihii Horumarinta Reer-miyiga 1972 ilaa1974. Inta u dhaxeysay 70yadii iyo 80yadii waxaa la sameeyay Gobolo cusub waxaana Sideedii Gobol ee hore lagu kordhiyay todoba (7ba) kale, tirada Gobolada Dalka waxay noqotay 15 Gobol,

Gobolada lagu soo darey kuwii hore. Gobolkii Jubadda Sare waxaa laga dhigay Sadex Gobol oo kale ah Gedo, Baay iyo Bakol. Gobolkii Banaadir waxaa laga dhigay Banaadir, Shabeelada hoose iyo shabeelada dhexe, Gobolkii Mudug waxaa laga dhigay Mudug iyo Galgaduud, Gobolkii Wagooyi Bari waxaa laga dhigay Togdheer iyo Sanaag. ugu dambeyntii bartimihii Sideetankii ayaa la magacaabey sadex Gobolloo cusub kuwaasoo kala ah 1)- J/dhexe 2)- Awdal 3)- Sool. Hadaba sida shariciga ah Soomaaliya waa 18 Gobol, inkastoo Gobolo gooni isku taagey ama maamula ay Gobolo cusub sameeyeen.

 

                                                                 

 

GOBOLADA DALKA IYO DEGMOOYINKOODA.

 
 
 
 
Gobolka Banaadir

 

 Gobolkan oo ay ku taallo Magaalamadaxda Dalka ee Muqdisho wuxuu ka kooban yahay 15 degmo.

                                                                         

                                                 1)–Deg. Cabdi Casiis
                                                                                 2)- Deg. Boondheere.
                      3)- Deg. Xamar weyne
                                                                                                        4)- Deg. Hawl wadaag
                                          5)- Deg. Heliwaa ama Huri waa
  6)- Deg. Hodan
                                                                                                                     7)- Deg. Kaaraan
                                                                8)- Deg. Shangaani
    9)- Deg .Shibis
                                                                                                                   10)-Deg.Waaberi
                                             11)-Deg.Wada jir
  12)-Deg.Wardhiigley
                                                         13)-Deg.Yaaqshiid
                                                                                                       14)-Deg.Dharkeynley 
 

 

                                                     15)-Deg Xamar Jajab.
FAALLO:
Ka dib markuu qarxey dagaalkii sokeeye Magaala Madaxda Dalka waxaa la wareegay Jabhad Qabiileed USC, waxaa Magaalada ku soo qamaamey mowjado dad ah oo dhanka miyiga ka yimid, Dadkan lagu qalday in Magaalada reerkoodu leeyahay ayaa waxay boob iyo xaquuq aan Taarikhda Soomaaliyeed hore loo arag u gaystay Dadkii reer Magaalka ahaa ee aan hubeysneyn. Waxay noqotey natiijadu Magaalo Boqolaal sannno la dhisaayey inay labo sano ka yar ka dhigaan Meel- aan lagu noolaan karin.
 3- G/Bari
         

 LA SOCO …

19 thoughts on “WAX-BARASHO.

  1. warsame

    Aad bey u qurux badantahay balse qoraaga mid ayaan weydiinayaa hadii uusan dhinac naceeb uu u haayo uusan dusha ka fuulin taasoo ah inta ay jabhad qabiil soo galin miyeeysan noqon dowladii mid qabiileed oo madax weynaha iyo inta maamulka ku jirtay qabaa ilkooda oo reermiiga ah magaala soo galin geel jire kabtan noqday iyo nin lamadaayo dhaqaaye oo maareeye noqdey ilmihi sanado usoo halgamay wax barasho oo qaar 8aad yihiin oo dugsiga sare aadi rabay iyo kuwo dugsi sare ah oo jaamacad rabay oo boosaskooda kuwo kale lagu badaly iyo in shaqsiyaa gaar ah waxey doonaan ay sameeyaan illa koorneel amaanka ah ee garoonka dayaaradaha u xilsaarna uu nin shacab ah dharbaaxo asgoo qof uu baabuur ku keenay rabay in uu dayaarad halkaas ka saaro saxiib ka fiirsada nimankiina wax qora in kastoo soomaali qabiil madax maray .

  2. By Farah abdi dahir

    Runtii sxb aad iyo aad baad warbixintan ugu mahadsantahay sida wanaagsan ee maqaalkan runta aad ugu dhawaysay waana wax mihiid ah oo aqristayaasha soodhawaynayaan mahadsanid

  3. c/khadar maxamuud warsame

    tariikhda somalida iyo wakhtiyadaay colaaduhu bilaabmeen

    26/09/09

    Sidaaynu la socono Taariikhda somalida waxaa la qoraay wakhtigii uu ingiriisku, dalka yimid majirto tariikh ka horeysaay oo la sheehgo ama la sheegi karaba, hadaay jirtana dadku waxaay ahaayeen xoolo dhaqato, reer miyi ah, colaada somaalida dhex taalay maay ahaan jirin mid sidaas usii baaladhan, waxaa laysku dili jiraayna waxaay ahaayd oo kaliya, geela, waana laga heeshiin jiraay,lakiin somaalidu waxaay colaada qabiilku u bilaaban taay markuu dalka yimid Ingiriisku, ayu iksu diraay beel beel iyo reero, dagaalada, dhex maraay somalida reeraha ugu badan ee is dili jiraay waxaay ahaayeen daroodka iyo isaaqa, wakhtigaay colaadu dhex martaayna waxaay ahaayd wakhtigaa ingiriisku yimid, wali lama arg tariikh ka horeysaa ta ingiriiska oo la qoraay waay jireen niman carab ah oo bad mareena ah waxna ka qoraay tariikhda dhulka somalida, lakiin waxaan odhaan karnaa wakhtiga aay bilaabantaay colaadaha qabilku, waxay ahaayd 1884 wixii ka danbeeyaay,ma jirto tariikjh ka horeysaay oo somaalidu sixun isu gumadaay, intii aanu ingiriisku imaan, hadaba waxaan donaaya inaan halkan ku soo baandhigu, nin abwaan ahaa magaciisa la odhan jiraay xaaji cali geele, xaaji cali geele wuxuu dhashaay 1891 kii waxaa uu nolaa ilaa 1953kii waxaa uu leyahaay xaaji cali geele gabaayo iyo sugaan aad ubadaan oo uu tiriyaay, gabayadiisa ama weedhah dhaxal galka ah ee laga haayo waxaa ka mid ahaa Nin makhnuud ahaan jiraay haduu Gole ka maah maaho wuxuu ku maldahaaya waa meheradiisi, xaaji cali geele Niman badan oo abwaano somaali ka caan ah ayaay googosan jireen abwaanadas waxaa ka mid ahaa, Cali beenalaay, camanje Yogol iyo maax dhagoole, xaaji cali geele gabaygiisa ugu caansan ee uu tiryaay waxaa uu tiryaay 1932kii wakhtigaas oo aay sil silaad gabay ah dhwex martaay isaga Cali beenalaay, camanje yogol, iyo waliba maax dhagoole, gabaygan wuxuu kaga jawaab bixinayaa xaaji cali geele gabaay uu tiryaay, maax kuna falgadeeynaayo, isaaq hadaba gabayga uu ugu jawabaay xaaji cali geele waakan ee akhris wacan.

    Abisguul isaaq inaan la simo igama eegtaane
    aanad rag kale haaw dhintee erey yar ban baanaay
    hadaay eyro geel ku dhaasho ood waya badan eegto
    umiga kaalileed hadii la aminooy curaato
    oo ibaha naasaha la jaaro waa afkala qaad.

    Markabkoo aleyl dhaacay haduu shoolada afuufo
    Egland iyo shawaba waa maraa toban ayamoode
    marse hadii uu ishiinku fakado waa afkala qaad

    nin maqaaxii iibsadaay hadii loogu iman waayo
    goorti albaabada loo xidha waa afkala qaad
    afar boqol ka badan maansadan uurka ku haayaye

    Isaaq iyo ogadeen hadii layskusoo uruursho
    ninka aniga mooye gabyaa waa afkala qaad
    waataan ogadeen nodaa aan ahabta diidaaye
    waatan agoon xolaheeda ku intifacaaye
    waatan absama kumaadiyo aan ehelka sheegtaay
    waatan bir wada aad ah iyo gudin afaystaaye
    waataan ib dhun yaale iyo dhiraha eegaaye
    waatan raoorti kaca aan araha guraaye

  4. c/khadar maxamuud warsame

    Ma dhabbaa in dagaalkii Somaliya la soo afjaray?
    May 01, 2007
    Waxaa warbaahinta Somaliya iyo tan caalamkaba maalmahaan ku badan qorallo sheegaya indagaalkii Somaliya ka socdey la soo afjaray, Tigreega la soo kireystey iyo adeegayaashooda ayaa ku tookhay iney guushii hantiyeen. Geeddi oo dhadhaajinaya hadalkii caanka noqday ee Bush ka jediyey markabka dushiis”Mission accomplished” Ayaa asna ku hadaaqay in dagaalkii ay soo afjareen.
    Dunida oo xasuusata guul daradii ka danbeysey hadalkii Bush ayaan waxba ka soo qaadin hantaataca Geeddi iyo waxa uu u adego, waxaana laga digey in Somaliya ay mari doonto waddadii ay martay Ciraaq. Dadka indhoindheeya hoogga iyo halaagga ay mareykan horseedka ka yihiin ee dunida lagu salladay sanadadaan ugu danbeeyey ayaa dhammantood isku raacsan ineysan muuqan waddo Somaliya looga badbaadin karo hoog iyo halaag aan horay loo arag.

    Somaliya, ka sokow iney Ciraaq iyo Afhanistaan la wadaagto Islaamnimo waxaa kale oo ay la wadaagtaa iney ku soo duuleen xoogag macatab u dagaalamaya oo xaaqaya dadkii dhulalkaa deganaa si bahalnimo ah. Waxaa ay la wadaagtaa in cadowgu soo kireystey maangaabyo muuqaalka uga eg dadkooda balse diintii iyo dadnimadii ay u dhasheen iib sadey. Waxaase ay uga duwantahay in daba dhilifyada ciraaq iyo afghanistaan joogaa ay kabaha u sidaan Mareykan oo dunida ugu hub iyo lacag badan.

    Halka kuwa Somaliya ay midiidin duleysan u yihiin Itoopia oo ah dadka dunida ugu dullinimada badan marka ay noqoto jahli iyo faqrina kaalinta kow iyo labo iyo sedex dunida oo dhan aysan cidi ku heysan. Dadka Somalida oo aysan jirin dowlad taageerta muddo dheerna dagaal sokeeye daashadeen ayey itoopiyaanku la dhakafaaraan qaninimadooda iyo ilbaxnimadooda.

    Reer ciraaq iyo reer Afghanistaan waxaa ay sameeyeen wixii laga filayey umad kasta oo xor ah, karaamo leh, doonayana iney caruurtooda uga tagaan dal iyo taariikh ay ka dhaxlaan. Weligeed taariikhda waa lagu arki jirey dal iyo dad lagu soo duulo ama loo awood sheegto sida ku dhacday dadyowgaas aan soo sheegay, waxaanse weligeed intii dunidu soo jirtay aan la arag lana sheegin in umadi ay ka dhiidhi weyso gumeysi ku soo duuley oo qabsaday.

    Kuwa sheegaya in dagaalkii la soo af jaray waxaa ay moogyihiin ineysan dhici Karin in dagaal istaago. Waa ay dhici kartaa in maalmo la kala nasto waxaanse dhici Karin in dadka Somalida ay billaabaan waxaan tariikhda horay u soo marin, ayna gumeysi dalkoodii heysta ka raalli noqdaan

    Waxaan laga fili Karin dadka Somalida iney aqbalaan in Gabara –Maryam & Tilaahun u taliyaan, taasi waa waxaan dhici doonin, ninkii doonaya inuu dhalanteed isku maaweeliyo yeelkadiis, caaqilse waa ogyahay in ay Somalidu ka adkaan doonaan Tigreega duleysan ee mareykan soo kireystey.

    Ka sokow in ay Somalidu dalkooda sharaftooda iyo diintooda daaficayaan, waxaa ay ogyihiin iney weligood ka adkaayeen Tigreega iyo xabashida oo runtii la isku raacsanyahay ineysan u babac dhigi karin dagaalyahannada somalida goobaha dagaalka marka la iska horyimaaddo.

    Waxa tusaale kuugu filan sida ay dagaal yahanno fara ku tiris ah oo Somaliyeed oo wata hub aad u yar ay u xasuuqeen guutooyin Tigree ah oo hubka nuucyadiisii ugu danbeeyey ku hubeysan Muqdisha iyo meelo kaleba. Dagaalkii Iidaale ayey 300 oo dhalinyaro Somaliyeed ahi waxaa ay jebiyeen in ka badan afar guuto oo ciidamo Tigree ah, muddo todoba maalmood ahna marba meel cusub ka qabsanaayeen illaa ay markii danbe rasaastii ka dhamaatay. Sidoo kale dadkii galay dagaalkii 77 ayaa sheegay iney xabashida caado u aheyd iney saynta jeediyaan marka ay Somalida foodda is daraan.

  5. raadiye

    waan ka xumahay waxaad ka tagteen degmo magacweyn leh ,waxaad la mid noqoteen qof la yiri geedo tiri ee ka tagay yaaq, taa macnehoodu waxa weeye in aad ka tagteen degmadda dayniile, ma aqoon la aanbaa mise…………..

  6. cabdi Raadiye

    wey wanaagsantahay in wax laga barto laakin waan ka xumahay in laga tago degmo kamid ah G/banaadir,taa waxaa la mid ah qoflayiri geedo tiri ee ka tagay yaaq,taa macnaheedo waxaa weeye in laga tagay degmadda Deyniile oo runtii ah degmo lafdhabar u ah G.banaadir,waan ka xumahay in heli waa iyo dharkiinley degmo laga dhigo dayniilena oo 1976,laga dhigay degmo, sida kucad Faah faahinta rasmiga ah, laakin hadane uu rajiimkii ka laabtay una magacaabay zone militaare, rajiimkii kadib waxaa laga dhigay degmo,ma waxaad uga tagteen aqoon la aan mise………………………….

  7. Ahmed Hayow

    waxaan oran lahaa somaaliyee is raaca si aad dhibaatadan uga baxdiin, waayo maalin waliba mashaakil ayaa ka dhaca magaalada madaxda somalia ee muqdisho

    insha allaaah waan u duceenaynaa idinkana u duceeya.

  8. khadarowen

    anagu waxaanu nahay somalilander mana nihin somalia ee ku dar somalilnad

  9. c/nuur

    dadku sifiican bay ugadheregsan yihiin intaa ee muqdisho iyo hargeysa baad xayeey siin

  10. yaasiin

    waxaan idin ka cud anayaa in aan kamid noqdo wariyayaasha wargayska oowaibva wax kadiyaariyo taariikhwaxaan idin kasugaaba waa jawaabaha soomaaliya

  11. Abdirasak Post author

    Yaasiin
    Walaalkiis waad ka mid noqon kartaa Wariyeyaasha Boggan haddii aad diyaar u tahay.
    Waliba aad ayaan u soo dhaweynaynaa Shaqsi kastoo Soomaaliyeed oo niyad wanaagsan leh
    marka soo dhawoow.

    Haddii aad daneynayso inaad wax ku qorto Waagacusub.wordpress.com igala soo xiriir
    Jameeeco@gmail.com
    Anigaa ku siin doona furaha aad ku soo gali karto

  12. mohamed labamadax2@hotmail.com

    fadlan waan idin salamay mida xigta somali waxaa ubadatay danayste iibsaday sharafkooda waxaana qabaa in aan labarin ndaara iyo raga lamidka ah ee qabyaaladu ka buuxdoow yaad warye u tahay mase u malayn in qabiil kugu filan yahay sababta oo ah waraysigii axmed saleeban ama xoosh dhinac iyo waji qabiil baa kaa muqdaye ma waxaa dan kuu ah in sarakiishii hore la laayo in ladilo aqoonyahankii hore in ladhameeyo wayo aragii kicisaya bara sida loo dajiyo ma xadraawi baa ku taba baray taariikh du waa in qori

  13. Anonymous

    asc dhamaan dadka soomaaliyeed waxaan jeclahay in aan barto dalka hooyo waa ku faraxsanahey

  14. jamaal

    aad ayaan ula dhacay anigoo aha nin dhalainyaro somaliyed aha in aan ka ka faa,ideesto fursamadaan wanagsan anigoo aan ogeen markii hore wadankeena in uu sida u wayn yahay aad u mahadsan tihin bahda xog ogaal iyo shaqalaheedaba

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s