AMISOM: Calooshood-u-shaqeysatadda oo xasuuq ka gaystey Bakaaraha.

MUQDISHO SOOMAALIYA: 15 ruux ayaa ku geeriyootay 80 kalana waa ay ku dhaawacmeen Inta illaa iyo haatan la xaqiijiyey kadib Madaafiic ay Ciidamada Calooshood-Ushaqeystayaasha Afrikaanka ahi ay ku garaaceen Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, Waxana Madaafiicda Afrikaanku ay ku gaaraaceen Suuqa Bakaaraha ay la beegsadeen Xilligii uu Suuqu ugu saxmadda badnaa. Sii akhri →

HADAFKA GUMEYSTAHA: ee ku wajahan Ummadda/Qaranimada Soomaaliyeed.

Ma ogtahay in gumeysiga ama cadowga Soomaaliyeed uu marwalba diidan yahay Ummadnimada ama Qaranimada Soomaaliyeed ?.

Gumeystaha ama Cadowgeenu wuxuu doonayaa inaan habka Qabiil-Qabiilka 4.5 ku noolaano si uu u xaqiijiyo inay Qaranimadii Soomaaliyeed mardambe dib u soo noqon!, Maadaama ay maanta dadka Soomaaliyeed dhibaato iyo dagaalo daba-dheeradey la ildaran yihiin, ayna u baahan yihiin kaalmo shisheeye intooda badan ma oga in cadowgoodu ku soo dhuunto hay’addaha la baxay Samo-falka ama Qaramadda Midoobay. Sii akhri →